Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 31:18-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. (Saas ma aha, laakiinse isaga tan iyo yaraantaydii waan koriyey sidii mid aabbihiis koriyo oo kale, Oo tan iyo markaan uurkii hooyaday ka soo baxayna waxaan iyada u ahaan jiray horseed, )

19. Haddaan arkay qof arrad daraaddiis u dhimanaya, Amase sabool baahan oo aan dhar haysan,

20. Hadduusan uurka iiga ducayn, Amase hadduusan isku kululayn dhogorta idahayga,

21. Caawimaaddaydii oo aan iridda uga jeeday daraaddeed, Haddaan agoon gacantayda u qaaday,

22. Markaas garabkaygu ha kala fakado, Oo gacantayduna kalagooyska ha ka jabto.

23. Waayo, masiibo xag Ilaah ka timid ayaa i cabsiisay, Oo sarraysnaantiisa daraaddeedna anigu waxba ma aanan samayn karin.