Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 29:17-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Ka xaqa daran daamankiisa waan jebin jiray, Oo wixii uu dhufsadana ilkihiisaan ka soo bixin jiray.

18. Markaasaan is-idhi, Buulkaygaan ku dhex dhiman doonaa, Oo cimrigayguna wuxuu u badan doonaa sida cammuudda oo kale.

19. Xididkaygu biyaha xaggooduu u faafayaa, Oo laamahaygana habeenkii oo dhan waxaa saaran sayax.

20. Sharaftaydu way igu cusub tahay, Oo qaansadayduna gacantayday ku cusboonaatay.

21. Dadku dhegtuu ii dhigi jiray, oo i sugi jiray, Oo taladayda aawadeedna way u aamusi jireen.

22. Weligood igama ay daba hadlin, Oo hadalkayguna korkooduu ku soo dhibci jiray.

23. Oo waxay ii dhawri jireen sidii roobka oo kale, Oo waxay afkooda u kala furi jireen sidii roobka dambe loo sugo.

24. Waan u af caddayn jiray markay qalbi jabaan, Oo nuurkii jaahaygana hoos uma ay tuuri jirin.