Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 27:15-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Kuwii isaga ka hadhana dhimashaa xabaali doonta, Oo carmalladiisuna uma ay barooran doonaan.

16. In kastoo uu lacag u taalaysto sida ciidda oo kale, Oo uu dharna u diyaarsado sida dhoobada oo kale,

17. Isagaa diyaarin doona, laakiinse waxaa xidhan doona kan xaqa ah, Oo lacagtana waxaa qaybsan doona kan aan xaqa qabin.

18. Gurigiisa wuxuu u dhisaa sida buul caaro oo kale, Iyo sida waab waardiye samaysto.

19. Isagoo taajir ah ayuu seexdaa, laakiinse lama soo ururin doono, Indhihiisuu kala qaadaa, oo waxba ma jiro.

20. Naxdin baa isaga qarqin doonta sida biyo daad ah, Oo habeenkiina waxaa isaga la tegi doona duufaan.

21. Waxaa isaga kaxaysa dabaysha bari, oo isna wuu tagaa, Oo meeshiisana way ka xaaqdaa.

22. Waayo, Ilaah baa isaga wax ku tuuri doona, umana tudhi doono; Oo sharrowgu wuxuu jeclaan lahaa inuu gacantiisa ka cararo.