Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 26:6-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. She'ool hortiisuu yaal isagoo qaawan, Oo Halligaadduna dabool ma leh.

7. Isagu woqooyiga wuxuu ku kala bixiyaa meel madhan, Oo dhulkana wuxuu ka laalaadshaa wax aan waxba ahayn.

8. Biyaha wuxuu ku xidhaa daruurihiisa qarada waaweyn; Oo daruurtuna hoostooda kama dillaacdo.

9. Wuxuu xidhaa wejiga carshigiisa, Oo daruurtiisana wuu ku kala bixiyaa.

10. Biyaha dushooda wuxuu ku wareejiyey soohdin Kala xidha nuurka iyo gudcurka.

11. Tiirarka samadu way gariiraan, Oo waxay ka yaabaan canaantiisa.

12. Badda ayuu xooggiisa ku aamusiiyaa, Oo kibirkana waxgarashadiisuu ku dhuftaa.

13. Samooyinka waxaa lagu sharraxay Ruuxiisa, Gacantiisuna waxay mudday abeesada dheeraysa.