Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 26:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

2. Sidee baad u caawisay midka aan itaalka lahayn! Oo kan ayan gacantiisu xoogga lahayn sidee baad u badbaadisay!

3. Sidee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn! Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan!

4. Yaad erayo kula hadashay? Oo yaa ruuxiisu xaggaaga ka soo baxay?

5. Kuwii dhintayna way ku hoos gariiraan Biyaha iyo waxyaalaha dhex deggan.