Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 24:4-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Saboolka baahan ayay jidka ka leexiyaan, Oo masaakiinta dhulkana dhammaantood way wada dhuuntaan.

5. Bal eeg, sida dameerdibadeedyo lamadegaanka jooga Ayay shuqulkooda ugu baxaan, iyagoo cunto aad u doonaya; Cidladuna carruurtooda cuntay u soo bixisaa.

6. Cuntadooda waxay ka goostaan berrinka, Oo waxay xaabxaabaan canabka kuwa sharrowyada ah.

7. Oo habeenkii oo dhan iyagoo qaawan oo aan dhar lahayn ayay jiifsadaan, Oo dhaxanta waxay ka huwadaanna ma leh.

8. Waxaa iyaga qoya roobka buuraha, Oo gabbaadla'aan daraaddeed ayay dhagaxa u dugsadaan.

9. Waxaa jira kuwa agoonta naaska ka dhufsada, Oo masaakiintana rahaamad ka qaata,

10. Sidaas daraaddeed waxay warwareegaan iyagoo qaawan oo aan dhar qabin, Oo iyagoo gaajaysan ayay xidhmooyinka sidaan.