Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 22:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Eliifas oo ahaa reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

2. Ma nin baa Ilaah wax u tari kara? Hubaal kii xigmad lahu isagaa wax isu tara.

3. Balse ma Ilaaha Qaadirka ah baa xaqnimadaada ku farxa? Mase faa'iido bay u tahay isaga inaad jidkaaga qummaatisid?

4. War ma cabsidaada daraaddeed buu kuu canaantaa? Oo saas daraaddeed miyuu dacwad kuula galaa?

5. Sow sharkaagu ma badna? Xumaatooyinkaagu dhammaad ma laha.

6. Waayo, sababla'aan baad walaalkaa rahaamad uga qaadatay, Oo kuwii arradnaana dharkoodii baad ka mudhuxsatay.