Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 19:4-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Oo sida xaqiiqada ah haddaan qaldamay, Qaladkaygu aniguu igu hadhayaa.

5. Oo sida xaqiiqada ah haddaad iska kay weynaynaysaan, Oo aad ceebtayda igu caddaysaan inaan dembi leeyahay,

6. Haddaba bal ogaada in Ilaah i afgembiyey, Oo uu shabagtiisii igu wareejiyey.

7. Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.

8. Jidkaygii ayuu ooday si aanan u dhaafi karin, Oo wadiiqooyinkaygiina gudcur buu ka dhigay.

9. Ammaantaydii wuu iga xayuubiyey, Oo taajkiina madaxayga wuu ka qaaday.

10. Xagga iyo xaggaaba wuu iga dumiyey, oo baabba' waan noqday, Oo rajadaydiina sidii geed oo kale ayuu u rujiyey.

11. Aad buu iigu cadhooday, Oo sida mid cadowgiisa ah ayuu igu tiriyaa.

12. Ciidammadiisii oo dhammu way wada yimaadaan, Oo jid bay dhistaan si ay iigu kacaan, Oo teendhadayda hareeraheeda ayay degaan.

13. Walaalahay wuu iga fogeeyey, Oo kuwii aan iqiinna way iga wada shisheeyoobeen.

14. Ehelkaygii way i dayriyeen, Oo saaxiibbadaydiina way i illoobeen.

15. Kuwa reerkayga ku hoyda, iyo gabdhaha addoommahayga ahuba waxay igu tiriyaan shisheeye, Oo hortooda waxaan ku ahay ajanabi.

16. Waxaan u yeedhaa addoonkaygii, Oo in kastoo aan afkayga ku baryo, iima jawaabo innaba.

17. Naagtaydu waxay nacdaa neeftayda, Oo carruurtii hooyaday dhashayna waxay nacaan baryootankayga.

18. Xataa dhallaanka yaryaru way i quudhsadaan, Oo haddaan sara joogsado way i caayaan.

19. Saaxiibbadaydii aan ku kalsoonaa oo dhammu way i karahsadaan, Oo kuwii aan jeclaana way igu soo jeesteen.

20. Haraggayga iyo hilibkaygu waxay ku dhegaan lafahayga, Oo dirqi baan ku baxsaday.

21. Saaxiibbadayow, ii naxa, oo ii naxa, Waayo, gacantii Ilaah baa i taabatay.

22. Maxaad sidii Ilaah iigu silcisaan? Oo bal maxaad dhibaatada jidhkayga uga dhergi weydeen?

23. Waxaan jeclaan lahaa in erayadayda la qoro! Iyo in kitaab gudihiis lagu qoro!