Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 18:7-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan, Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.

8. Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag, Oo wuxuu ku kor socdaa dabin.

9. Waxaa isaga cedhibta ku dhegi doona dabin, Oo qool baana qabsan doona.

10. Waxaa dhulka ugu qarsan siriq, Oo jidkana waxaa u yaal dabin.

11. Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi, Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa.

12. Xooggiisa waxaa dili doonta gaajo, Oo belaayona agtiisay diyaar ku tahay.

13. Oo waxay baabbi'in doontaa xubnaha jidhkiisa, Oo curadka dhimashada ayaa xubnihiisa baabbi'in doona.

14. Oo isaga waa laga rujin doonaa teendhadiisa uu isku halleeyo, Oo waxaa loo keeni doonaa boqorka cabsida.

15. Teendhadiisa waxaa ku jiri doona wax aan wixiisii ahayn, Oo hoygiisana waxaa lagu soo kor firdhin doonaa baaruud.