Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 15:26-33 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

26. Wuxuu kula ordaa madax adag Iyo gaashaammadiisa biro ku taagan yihiin.

27. Maxaa yeelay, wejiga ayuu ka cayilay, Oo bowdooyinkana baruur buu ku yeeshay,

28. Oo wuxuu degay magaalooyin baabba' ah, Iyo guryo aan lagu hoyan, Oo u diyaarsan inay tuulmooyin burbur ah noqdaan.

29. Isagu taajir noqon maayo, oo maalkiisuna sii raagi maayo, Oo dhulkana ku sii waari maayo.

30. Isagu marnaba gudcur ka bixi maayo, Oo laamihiisa olol baa qallajin doona, Oo neefta afkiisa ayaa qaadi doonta.

31. Yuusan wax aan waxba tarayn isku hallayn, isagoo iskhiyaaneeya, Waayo, wax aan waxba tarayn ayaa abaalgudkiisa ahaan doona.

32. Wakhtigiisii ka hor buu dhammaan doonaa, Oo laantiisuna ma cagaaroobi doonto.

33. Sida canabka ayuu midhihiisa ceedhiin iska ridi doonaa, Oo sida saytuunka ayuu ubaxiisa iska daadin doonaa.