Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 15:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan isagii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

2. War nin xigmad lahu miyuu ku jawaabaa aqoon aan waxba tarayn, Oo bal miyuu calooshiisa ka buuxiyaa dabaysha bari?

3. Miyayse ku habboon tahay inuu ku xaajowdo hadal aan faa'iido lahayn, Amase hadallo uusan innaba wanaag ku samayn karin?

4. Cabsida waad baabbi'isaa, Oo cibaadadana Ilaah hortiisa waad ka joojisaa.