Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 13:15-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa, Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa.

16. Oo weliba kaasu wuxuu ahaan doonaa badbaadadayda, Waayo, nin aan cibaado lahaynu hortiisa iman maayo.

17. Hadalkayga aad u dhegaysta, Oo warramiddaydu dhegihiinna ha gasho.