Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 13:14-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Haddaba hilibkayga ayaan ilkahayga ku qaadayaa, Oo noloshaydana gacantaydaan ku ridayaa.

15. Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa, Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa.

16. Oo weliba kaasu wuxuu ahaan doonaa badbaadadayda, Waayo, nin aan cibaado lahaynu hortiisa iman maayo.

17. Hadalkayga aad u dhegaysta, Oo warramiddaydu dhegihiinna ha gasho.

18. Bal eega, hadda xaalkayga waan soo hagaajiyey, Oo waan ogahay in xaq layga dhigayo.

19. Bal yuu yahay kan ila doodayaa? Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.