Kitaabka Quduuska Ah

2 Timoteyos 4:7-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Dagaalkii wanaagsanaa waan dagaallamay, oo tartankii waan dhammeeyey, iimaankiina waan dhawray.

8. Haddaba waxaa la ii dhigay taajkii xaqnimada oo Rabbiga ah xaakinka xaqa ahu i siin doono maalintaas; oo keligayna ima siin doono, laakiin kuwa muuqashadiisa jecel oo dhanna wuu siin doonaa.

9. Ku dadaal inaad dhaqso iigu timaadid;

10. waayo, Deemaas intuu dunidan haatan la joogo jeclaaday ayuu iga tegey, oo wuxuu aaday Tesaloniika; Kereeskeesna wuxuu aaday Galatiya; Tiitosna wuxuu aaday Dalmatiya.

11. Haatan Luukos oo keliya ayaa ila jooga. Markos soo kaxee oo ha ku soo raaco; waayo, waxtar buu igu leeyahay xagga adeegidda.

12. Laakiinse Tukhikos waxaan u diray Efesos.

13. Markaad soo kacdid ii soo qaad shuluggayga aan kaga tegey Karbos oo Taroo'as jooga, buwaagtiina ii soo qaad khusuusan idiinta wax lagu qoro.

14. Aleksanderos, kii naxaasta tumi jiray, wax xun oo badan buu ii yeelay; Rabbigu wuxuu ugu abaalgudi doonaa sidii camalladiisu ahaayeen.

15. Adiguna iska jir isaga, waayo, aad buu hadalkayaga u hor joogsaday.