Kitaabka Quduuska Ah

2 Korintos 7:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba, gacaliyayaalow, innagoo ballamadan haysanna, aan iska safayno nijaas kasta oo jidhka iyo ruuxa ku jirta, innagoo quduusnimada kaamilayna oo Ilaah ka cabsanayna.

2. Qalbiyadiinna noo fura. Ninna ma aannu xumayn, ninna ma aannu hallayn, ninna wixiisa ma aannu damcin.

3. U odhan maayo inaan idin xukumo, waayo, markii hore ayaan idhi, Qalbiyadayada ayaad ku jirtaan inaynu wada dhimanno oo aynu wada noolaanno.