Kitaabka Quduuska Ah

2 Korintos 3:13-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Ma nihin sida Muuse, kan indho shareertay inaan reer binu Israa'iil aad u eegin dhammaadka tan idlaanaysay.

14. Laakiin fikirradoodii way adkaadeen. Waayo, tan iyo maalintaas markii axdiga hore la akhriyo, indho shareerkaas ayaa hadha isagoo aan laga saarin, kan xagga Masiix ka idlaaday.

15. Laakiin tan iyo maalintaas mar alla markii Muuse wax laga akhriyo dabool ayaa qalbigooda saaran.

16. Laakiin mar alla markii loo soo leexdo Rabbiga daboolka waa laga qaadaa.