Kitaabka Quduuska Ah

1 Timoteyos 2:10-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Laakiinse ha isku sharraxeen shuqullo wanaagsan oo u eg dumarka cibaadada qira.

11. Naagtu aamusnaan wax ha ku barato iyadoo isdambaysiinaysa.

12. Laakiin naagna u fasixi maayo inay nin wax barto ama ay ka xukun sarrayso, inay aamusnaato mooyaane.

13. Waayo, markii hore Aadan baa la sameeyey, dabadeedna Xaawa.

14. Aadanna lama khiyaanayn, laakiin naagtii baa inta la khiyaaneeyey waxay noqotay mid xadgudubtay.

15. Laakiinse waxay ku badbaadi doontaa carruurdhalidda, hadday ku sii socdaan rumaysad iyo jacayl iyo quduusnaan iyagoo digtoon.